• Skip to primary navigation
  • Skip to main content
  • Skip to footer

#JusticeBeginsHere Call us at
1-877-534-2524

  • English
  • Espanõl
  • Tagalog
  • Farsi
  • العربية
  • Somali
  • 한국인
  • 简体中文
  • Vietnamese

Legal Aid Society of San Diego

  • Call us at
    1-877-534-2524
  • TTY
    1-800-735-2929
  • For Health Related Questions
    1-877-734-3258 (Consumer Center)
  • Monday - Friday
    9am to 5pm
MENUMENU
  • How we can help
  • News & Events
  • About
  • Get Involved
  • Contact
  • Languages
    • English
    • espanõl
    • Tagalog
    • TIẾNG VIỆT
    • العربية
    • Somali
    • 简体中文 한국어
    • فارسی
Happy mother and daughter

Ku Horumarinta
Noolasha Caawin
Sharci oo Bilaash

Title Below Border

U heellan inay siiso caawin sharci
oo waxtar leh dadka San Diego
in ka badan 100 sanadood

SIDA AAN KUU CAAWIN KARNO

Caawin Sharci, Macluumaad
iyo Waxbarasho Tayo Leh

Title Below Border

Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego waxaa ka go’an inay caawiyaan shaqsiyaadka iyo qoysaska
taagta daran ee dakhligooda uu hooseeyo. Waxaan bixinaa matalaad sharci, macluumaad, iyo talo ku saabsan mawduucyo kala duwan, waxaana kaa caawin doonaa inaad hesho khayraadka aad u baahan tahay.(gujo-raacyadaan waxay ku gayn karaan bog ku qoran Ingiriis)

Waxaan Bixinaa Caawin Sharci oo Bilaasha ah oo ay la socdaan

  • Rafcaannada Madaniga ah (aqoon isweydaarsiga caawinta naftaada)
  • Magacaabista Wakiilka Maaliyadeed ee Maxkamadda
  • Ilaalinta Macmiilka iyo Dayn-cafinta
  • Xuquuqaha Waxbarashadda
  • Difaacida Guri Ka Saarida
  • Sharciga Qoyska
  • Caymiska Caafimaad (sida MediCal) iyo Helitaanka Daryeelka (sida daawooyinka iyo adeegyada caafimaadka dhimirka)
  • Takoorka Guryaha
  • Haajirida
  • Arrimaha Kiraystaha iyo Mulkiilaha, Difaaca Guri Ka Saarida, La Wareegida Hantida Amaahada ah, iyo Guryaha Dawladda
  • Baddelida Magaca ama Sumadda Jinsiga
  • Cabashooyinka iyo rafcaannada caafimaadka dabeecadda ee bukaan-socodka
  • Kaalmada Dadweynaha (sida Gargaarka Cuntada iyo Gargaarka Lacagta)
  • Amarada Maxkamadda ee Xakamaynta Ficilada Qofka
  • Dheefaha SSI
  • Xuquuqaha iyo Waxbarashada Cashuur-bixiyaha
  • Dheefaha Caymiska Shaqala'aanta

Wax Badan Ka Ogoow Sida Aan Kuu Caawin Karno

Difaacida Guri Ka Saarida

White Border Bottom

Waxaa jira siyaabo badan oo aan kuu caawin karno haddii guriga lagaa saaro. Waxaan kuu sheegi karnaa waxa ay yihiin xuquuqahaaga iyo waxa aad samayn karto si aad u ilaaliso naftaada iyo qoyskaaga. (gujo-raacyadaan waxay ku gayn karaan bog ku qoran Ingiriis)

Eeg Dhigaalada Difaacida Guri Ka Saarida

Hagaha Amarka Ka Hor Istaagida Guri Ka Saarida

Lovely home clipart

Wax Ka Ogoow Munaasabadaheena iyo Dhigaalada Kale

Title Below Border

Shot Of A Senior Woman Using A Laptop During A Meeting With A Consultant At Home

Xarumo Sharci oo Bilaash ah
Ka faa'iidayso xarumaheena bilaashka ah si aad gargaar degdeg ah ugu hesho arrimahaaga sharci, sida guri ka saarida, amarada maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka iyo magacaabista wakiilka maaliyadeed ee maxkamadda (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis). Sahmi Xarumaha Soo Socda

Aqoon Kororsiyo Bilaash ah

Ka qaybgal aqoon kororsiyo onleen ah oo bilaash ah, halkaas oo kooxdeena khibradda leh ay ku wadaagaan macluumaad iyo tababbar ku saabsan maaddooyinka kala duwan (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis).

Xaadir Aqoon Kororsi

NAGU SAABSAN

Koox Naxariis Badan Oo Adiga Kuu Doodaysa

Title Below Border

Waxaan ku dadaaleynaa inaan horumarino nolosha kuwa aan ku caawinno u doodista sharciga ee xooggan. Anagoo ah adeeg bixiyaha ugu weyn, ee ugu caansan ee bixiya gargaarka sharciga ee bilaashka ah ee gobolka san Diego, waxaan ku faannaa inaan siino taageerada aad loogu baahan yahay shaqsiyaadka iyo qoysaska xaqa u leh.

Ogoow Wax Badan oo Innaga Nagu Saabsan

A Compassionate legal aid society team

2,300oo xarumo bilaash ah oo la qabto sanad walbo

KU DHAWAAD14,000oo qof ayaa ka faa’iidaystay adeegyadeena sharci sanadki 2021

15,000saacadood ayay bixiyeen is-xilqaamayaasha LASSD sanadki la soo dhaafay

100sanadood ayaa ka shaqaynaynay inaan horumarino cadaalada

Make A Donation Img

Deeq La Bax

Title Below Border

Deeqda aad siinayso LASSD waxay saamayn toos ah ku yeelanaysaa dadka reer San Diego iyo shaqadeena ah dagaalka ka dhanka ah faqriga iyo caddaalad-darrada

Bulshada caawinta sharciga ee San Diego waxay awood u yeelatay inay adeegyo u fidiso in ka badan 10,000 oo kiis waxayna caawisay kumanaan qof iyada oo sabab u ah taageeradeena aan ka helno bulshada. Deeqaha aan helno waxaa si toos ah loogu bixiyaa in adeegyo lagu siiyo dadka nugul ee degan degmada San Diego.
Markaad dhaqaale ahaan nagu taageerto, waxaad qof ka caawinaysaa inuu si sinnaan leh ku helo dhigaalada sharciga ah ee uu u qalmo. (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)

Na Taageer Maanta

Donation Doodle

Fursadaha Is-xilqaanka

White Border Bottom

Heart Doodle

Dadaaladeena suurtogal ma ahaan lahayn haddii aanan kaalmo ka helin qareennada, ardayda sharciga barato, iyo is-xilqaamayaal kale. Kor u qaad ku lug yeelashadaada bulshada oo sahmi fursadaha is-xilqaamida ee kala duwan ee dabacsan ee aan bixino. (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)

Wax Badan Ka Ogoow Noqoshada Is-xilqaame

Fursadaha Shaqo

White Border Bottom

Employment Opportunities Doodle

Waxaa naga go’an inaan si siman caddaalad u siino dadka u baahan iyada oo loo marayo adeegyo sharci oo xoogan, oo tayo leh. Ku soo biir kooxdeena xamaasadda leh si aan uga shaqayno horumarinta nolosha bulshadeena. (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)

Wax Ka Baro Inaad Ka Shaqayso LASSD

Sida Loo Helo Caawinta Sharciga ah

Wax Badan Ka Ogoow Xalalka Kaa Caawin Kara
Inaad Ka Gudubto Caqabadaaga Sharci

Title Below Border

Annaga oo leh tobanaan sano oo waayo-aragnimo ah iyo shabakad ballaaran oo khayraad ah, waxaan ka caawinaa dadka nugul ee degmada San Diego inay helaan matalaad sharci, caawin iyo macluumaad bilaash ah. La hadal mid ka mid ah
wakiiladeena si aad wax badan uga ogaato sida aad u sahmin karto dhibaatadaada sharci.

Nala Soo Xiriir

Deeq-bixiyeyaasheena iyo La-hawlgalayaasheena Bulshada

Title Below Border

Bixinta adeegga ugu wanaagsan ee suurtogalka ah iyada oo taageero laga helayo kuwa ka mid ah bulshadeena

Americas Partner for Equal Justice logo Live well San Diego logo 211 san Diego logo Health Consumer Alliance logo

Legal aid society footer logo

VISIT ONE OF OUR OFFICES
Southeast San Diego
Midtown San Diego
North County San Diego
Open M-F 9:00 am - 5:00 pm

CALL US
For legal help: 1-877-534-2524
For health related issues: 1-877-734-3258
TTY: 1-800-735-2929

FOLLOW US dashicons-facebook-alt #JusticeBeginsHere
Privacy Policy | Terms & Conditions | Web Accessibility | Site Map

© 2023 Legal Aid Society of San Diego. All rights reserved. Design by TinyFrog Technologies