Sida Aan Kuu Caawin Karno
U doodista sharciga, waxbarashada, iyo khayraadka loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dakhligoodu yar yahay ee deggan degmada San Diego
Adeegyadeena

- Rafcaannada Madaniga ah
- Xarunta Magacaabista Wakiilka Maaliyadeed Ee Maxkamadda
- Ilaalinta Macmiilka iyo Dayn-cafintav
- Xuquuqaha Waxbarashadda
- Difaacida Guri Ka Saarida
- Sharciga Qoyska
- Daryeelka Caafimaadka iyo Caymiska
- Takoorka Guryaha
- Haajirida
- Arrimaha Mulkiilaha iyo Kiraystaha, Guryaha Dawladda iyo La Wareegida Hantida Amaahada ah
- Xuquuqaha Bukaanada Caafimaadka Dhimirka iyo Isticmaalka Maandooriyaha
- Baddelida Magaca iyo Sumadda Jinsiga
- Dheefaha Dadwaynaha
- Amarada Maxkamadda ee Xakamaynta Ficilada Qofka
- Dheefaha SSI
- SSI loogu talagalay Carruurta
- Xuquuqaha iyo Waxbarashada Cashuur-bixiyaha
- Dheefaha Caymiska Shaqa La’aanta
- Xarumaha Sharciga ee La Iska Tago
Racfaannada Madaniga ah (aqoon isweydaarsiga caawinta naftaada)

Qayb ma ka tahay kiis madani ah oo racfaan ka doonaya Maxkamadda Racfaanka ee California, Fourth District?
Ma gudbisay ogaysiiska racfaankaaga? Ma u baahan tahay hadda in lagaa caawiyo inaad ku guulaysato racfaanka (sababta oo ah ma haysatid qareen)? Aqoon Isweydaarsiga Is-caawinta ee Racfaannada Madaniga ah ayaa warbixin kaa siin doona habraacyada iyo khayraadka aad kaga shaqayn karto racfaankaaga gaarka ah.
Wac 619-471-2781 si aad iskuugu diiwaangeliso aqoon isweydaarsiga (fariin reeb)
Saacadaha Shaqada: Talaadada saddexaad ee bil walbo: 3:45 PM ilaa iyo 6:00 PM
Xarumaha Magacaabista Wakiilka Maaliyadeed ee Maxkamadda

Toos u tag goobta xarunteena Magacaabista wakiilka maaliyadeed ee maxkamadda ee la iska tago si aad ugu hesho macluumaad, waxbarasho, iyo caawin dhamaystirka warqadaha la xiriira hanaanka Magacaabista wakiilka maaliyadeed ee maxkamadda. Waxaan sidoo kale bixinaa xog ku saabsan waxa kuu baddeli kara Magacaabista wakiilka maaliyadeed ee maxkamadda. Wax ballan ah uma baahnid oo adeegyadana waxaa lagu bixiyaa qaab sida loogu soo kala hormaro ah.
Goobta: Central Courthouse - Room 541
1100 Union Street, San Diego, CA 92101
Saacadaha: Talaadada iyo Arbacada 9:00 AM ilaa iyo 3:00 PM
***Xarumaha way xiran yihiin maalmaha fasaxa maxakamadda. Ka eeg maalmaha fasaxa maxkamadda halkaan*** (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Ilaalinta Macmiilka iyo Dayn-cafinta

Waxaan kaa caawin karnaa arrimaha ku saabsan uruurinta deynta, dib u soo celinta lahaanshaha, heshiisyada iibka, heshiisyada baabuurta, xatooyada aqoonsiga, deynta ardayda, deynta caafimaadka, khiyaanada, iyo dayn-cafinta. (gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Xuquuqaha Waxbarashadda

Waxaan kaa caawin karnaa fahamka iyo xallinta dhibaatooyinka la xiriira xuquuqaha waxbarashada ee ilmahaaga sida qiimeynta waxbarashada gaarka ah, xuquuqaha waxbarashada gaarka ah inta lagu jiro waxbarashada fogaanta, u diyaargarowga kulanka IEP ee ilmahaaga, sida loo codsado diiwaannada waxbarashada, iyo xuquuqaha u hogaansamida sharciga ee maamulka.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Difaacida Guri Ka Saarida

Waxaa jira siyaabo badan oo aan kuu caawin karno haddii guriga lagaa saaro. Waxaan kuu sheegi karnaa waxa ay yihiin xuquuqahaaga iyo waxa aad samayn karto si aad u ilaaliso naftaada iyo qoyskaaga.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Sharciga Qoyska

Waxaan gacan ka gaysanaa arrimaha sharciga qoyska sida xiritaanka, rabshadaha guriga, furriinka, aabbanimada, iyo masruufka ilmaha iyo xaaska.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Caymiska Caafimaad (sida Medi-Cal) iyo Helitaanka Daryeelka (sida daawooyinka iyo adeegyada caafimaadka dhimirka)

Waxaan kaa caawineynaa inaad fahamto oo aad xalliso dhibaatooyinka ku saabsan noocyada caymiska caafimaadka sida Covered California, Medi-Cal, Medicare, Cal MediConnect, Adeegyada Caafimaadka Degmada, iyo kuwa kale. Waxaan sidoo kale gacan ka gaysanaa khilaafyada iyo diidmada racfaanka ee barnaamijyada caymiska caafimaadka. Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa dhibaatooyinka aad ku qabto adeegyada caafimaadka dhimirka iyo xanuunka isticmaalka maandooriyaha ee bukaan-socodka iyo aan ahayn xarumaha.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Takoorka guryaha

Waxaad inoo soo gudbin kartaa cabasho guri oo xaqiiq ah oo ku saabsan takoorka ku salaysan kooxda gaarka loo ilaaliyo, ee la xidhiidha guryaha, taas oo ka dhacday Degmada San Diego. Waxaan halkaan u joognaa inaan joojino takoorka guryaha iyo inaan hubino inay jirto fursad guryo oo loo wada siman yahay.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Haajirida

Waxaan gacan ka gaysanaa baahiyaha haajirida sida haajirida qoysaska isku dacwooda, dhalasho siinta iyo dhalashada, difaacida tarxiilida (Maxkamadda Haajirida), VAWA, fiisooyinka U iyo T, cusboonaysiinta green kaadhka, iyo ka dhaafitaanada.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Arrimaha Mulkiilaha iyo Kiraystaha, Guryaha Dawladda, iyo La Wareegida Hantida Amaahada ah

Waxaan kaa caawineynaa inaad fahamto xuquuqahaaga iyo mas'uuliyadahaaga kireyste ahaan oo ay ku jiraan Guri Ka Saarida, ogeysiisyada mulkiilaha, guryaha dawlada (sida section 8), iyo arrimaha kale ee guryaha sida la wareegida hantida amaahada ah, ama dhibaatooyinka amaahda guriga.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Xuquuqaha Bukaanada Caafimaadka Dhimirka iyo Isticmaalka Maandooriyaha

Waxaan kaa caawineynaa inaad fahamto oo aad xalliso dhibaatooyinka ku saabsan noocyada caymiska caafimaadka sida Covered California, Medi-Cal, Medicare, Cal MediConnect, Adeegyada Caafimaadka Degmada, iyo kuwa kale. Waxaan sidoo kale gacan ka gaysanaa khilaafyada iyo diidmada racfaanka ee barnaamijyada caymiska caafimaadka. Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa dhibaatooyinka aad ku qabto adeegyada caafimaadka dhimirka iyo xanuunka isticmaalka maandooriyaha ee bukaan-socodka iyo aan ahayn xarumaha.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Baddelida magaca ama sumadda jinsiga

Toos u tag xarunteena Baddelida Magaca ama Sumadda Jinsiga si aad ugu hesho macluumaad, waxbarasho, iyo caawin dhamaystirka warqadaha oo aad si sharci ah ugu baddesho magacaaga ama sumaddaha jinsiga. Wax ballan ah uma baahnid, oo adeegyadana waxaa lagu bixiyaa qaab sida loogu soo kala hormaro ah.
(gujo-raacyadaan waxay ku gayn karaan bogog ku qoran Ingiriis)
Goobta: Hall of Justice, 330 W. Broadway, San Diego, CA 92101
Saacadaha: Isniin ilaa iyo Jimce laga bilaabo 8:30 AM ilaa iyo 3:30 PM
Ka eeg xiritaanada maalmaha fasaxa maxkamadda halkaan
Dheefaha Dadwaynaha

Waxaan kaa caawinaynaa dhibaatooyinka helitaanka ama haysashada dheefaha, sida Gargaarka Guud, CalWorks, Barnaamijka Shaqo La Raadinta, CalFresh, CAPI, KinGap, Daryeelka Barbaarinta, iyo Kaalmada Korsashada. Waxaan kaala talin karnaa iyo haddii kale kugu matali karnaa haddii aad codsatay dacwad dhageysi.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Amarada maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka

Amarada maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka ayaa la adeegsan karaa markaad la kulanto xadgudub, hanjabaado xadgudub, daba-gal, xadgudub galmo, ama dhibaatayn kale oo halis ah. Toos u tag mid ka mid ah xarumaheena amarada maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka ee la iska tago si lagaaga caawiyo rabshadaha guriga, xadgudubka qofka waayeelka ah, iyo amarada maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka ee dhibaatayna madaniga ah. Waxaan kaa caawinaynaa foomamka maxkamadda ee loo baahan yahay si loo codsado amarka maxkamadda ee xakamaynta ficilada qofka, iyo sidoo kale macluumaadka ku saabsan sharciga, nidaamka maxkamadda, iyo waqtiyada jadwalka. Waxaan sidoo kale bixinaa waxbarasho ku saabsan qorshayaasha badqabka, hoyga, iyo khayraadka kale. Wax ballan ah uma baahnid, oo adeegyadana waxaa lagu bixiyaa qaab sida loogu soo kala hormaro ah.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Dheefaha SSI

Waxaan gacan ka gaysanaa dhammaan dhinacyada hannaanka cabashooyinka Caymiska Naafada ee Sooshiyaal Sekiyuuritiga (SSDI) iyo Barnaamijka Kaalmada Lacagta Wayeelka iyo Caruurta Naafada ah (SSI), oo ay ku jiraan codsiyada hore, dib u tixgelinta, dhagaysiga maxkamadda, dib u eegista naafonimada joogtada ah, iyo dhammaan racfaanada kale.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Barnaamijka Kaalmada Lacagta Wayeelka iyo Caruurta Naafada ah (SSI) ee carruurta

LASSD ayaa matalaad sharci ka bixin karta dhinac kasta oo ka mid ah hannanka Barnaamijka Kaalmada Lacagta Wayeelka iyo Caruurta Naafada ah (SSI) ee carruurta leh xaalada caafimaad ee xaqa leh ee buuxiya shuruudaha xaq u yeelashada dhaqaale.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Xuquuqaha iyo Waxbarashada Cashuur-bixiyaha

Waxaan kaa caawinaynaa khilaafaadyada canshuurta federaalka iyo arrimaha canshuurta gobolka CA qaarkood oo ay ku jiraan xisaab xidhka, lacag-celinta ama lagac bixinta maqan, iyo qorshooyinka bixinta deynta canshuurta.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Dheefaha caymiska shaqa la'aanta

Waxaan kaa caawinaynaa Dheefaha Caymiska Shaqa La'aanta ee EDD.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Xarumaha Sharciga ee La Iska Tago

Waxaad toos u tagi kartaa xarumaheena la iska tago si aad ugu hesho macluumaad, waxbarasho, iyo caawin dhamaystirka warqadaha la xiriira arrimaha sharciga ee caadiga ah. Inta ugu badan, wax ballan ah uma baahnid, oo adeegyadana waxaa lagu bixiyaa qaab sida loogu soo kala hormaro ah. Wax badan ka ogoow xarumaheena la iska tago.
(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)
Macluumaadka Xiriirka
Xafiiska Southeast San Diego
110 S. Euclid Avenue
San Diego, CA 92114
Xafiiska Midtown San Diego
1764 San Diego Avenue, Suite 100
San Diego, CA 92110
Xafiiska North County
100 E. San Marcos Blvd, Suite 308
San Marcos, CA 92069
Isniin ilaa iyo Jimce 9 am – 5 pm