• Skip to primary navigation
  • Skip to main content
  • Skip to footer

#JusticeBeginsHere Call us at
1-877-534-2524

  • English
  • Espanõl
  • Tagalog
  • Farsi
  • العربية
  • Somali
  • 한국인
  • 简体中文
  • Vietnamese

Legal Aid Society of San Diego

  • Call us at
    1-877-534-2524
  • TTY
    1-800-735-2929
  • For Health Related Questions
    1-877-734-3258 (Consumer Center)
  • Monday - Friday
    9am to 5pm
MENUMENU
  • How we can help
  • News & Events
  • About
  • Get Involved
  • Contact
  • Languages
    • English
    • espanõl
    • Tagalog
    • TIẾNG VIỆT
    • العربية
    • Somali
    • 简体中文 한국어
    • فارسی

Ku saabsan Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego

Title Below Border

Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino!

About Legal Aid Society of San Diego hero image

Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego (LASSD) waa hay’ad sharci aan faa’iido doon ahayn oo adeegyo sharci oo bilaash ah siiso dadka degan San Diego e dhakhligooda uu hooseeyo. Hay’adda waxaa maalgeliya dawladda (Magaalada, Degmada, Gobolka iyo Federaalka), iyo sidoo kale deeqaha iyo samafalka. Adeegyada aan bixino waxaa go'aamiya Guddiga Maamulka, oo ka kooban macaamisha deegaanka ee xaqa u leh iyo qareennada deegaanka.

Xarunteena Macaamiisha ee loogu talagalay Waxbarashada Caafimaadka iyo U Doodista ayaa ah mashruuc sidisa u madax banaan oo takhasus ku leh sharciga caafimaadka, helitaanka daryeelka caafimaad iyo waxbarashada.

Waxaa naga go'an inaan wa ka baddelno nolosha macaamiisheena. Sharci yaqaanadeena waxay dhawraan takhasusuka iyaga oo takhasus u yeesha mid ka mid ah arrimaha laga shaqeeyo. Waxaa ka go’an inay ka la socdaan oo ka warqabaan dhammaan sharciyadda iyo qaabaabka ugu danbeeyay ee lagu wajahayo dhibaatooyinka macaamiisheena.

Qareenadeena ayaa ka soo muuqda dhammaan maxkamadaha gobolka iyo federaalka ee Degmadeena iyo qaar badan oo ka mid ah maxkamadaha sharciga ee maamulka dawladda ee heer gobol iyo heer federaal.

Waxaan saddex goobood oo xafiisyo ku leenahay si aan adeegyo ugu bixino north county, midtown, iyo southeast San Diego. LASSD waxay sidoo kale awood u leedahay inay caawin u fidiso iyada oo la adeegsanayo kulanka faogaan-aragga iyo taageearada kale ee tinoolajiyada la isticmaalo dadka aan awoodin inay safraan.

Bayaanka Hadafka

Title Below Border

Hadafka Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego waa in la horumariyo nolosha iyada oo sare loo qaadayo caddaaladda oo la adeegsanayo u doodid sharci, wacyigelin iyo waxbarid waxtar leh, hufan oo xoog leh.

Bayaanka Hiigsiga

Title Below Border

Degmada San Diego oo dadka oo dhami ay ku raaxaystaan cadaalad iyo sinnaan taas oo u ogolaanaysa inay noolaadaan oo ay koraan dadaaladeena aawadood.

Group of people with Justice starts here board

Cidda Aynu Nahay

White Border Bottom

Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego waa koox dad ah oo sharaf badan, dadaal badan oo naxariis badan kuwaas oo u heellan inay si siman caddaalad u helaan dadka saboolka ah iyada oo loo marayo adeegyo sharci oo xoogan, oo tayo leh. U doodayaasha sharci ahaan waxaan dib u sixi doonaa dhibaatooyinka sharci ee macaamiisheena, waxaan awood u siin doona macaamiisheena inay helaan oo ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan nidaamyada sharciga, dawladda iyo bulshada waxaana dhiirigelin doona inuu qofka awood isku siiyo dagaalka ka dhanka ah faqriga iyo caddaalad-darrada.

Waxaa naga go'an inaan u adeegsano agabkeena qaab ilaalinayo xuquuqaha sharciga ah ee macaamiisheena oo ixtiraamaya karaamadooda bini'aadminimo.

Waxaan ballan-qaad shaqsiyadeed u samayn doonaa nafteena, midba midka kale, macaamiisheena iyo bulshadeena si aan ugu shaqeyno sidii koox hal abuur leh oo isku duuban si aan uga fa'iidaysano xoogeena, awoodeena iyo waxtarkeena.

Cadaaladda Halkan Ayay Ka Bilaabataa

Home Doodle
Kooxda Maamulka ee Fulinta ee Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego

Gregory E. Knoll, CEO/Executive Director/Chief Counsel
Joanne Franciscus, Chief Operating Officer
Daniel Benson, Managing Attorney
Kris Jacobs, Managing Attorney
Sergio Valenzuela, Chief Fiscal Officer

Lorena Slomanson, Director of Development
Pamela Ross, Human Resources Director

Xafiiska Maamulka
110 S. Euclid Avenue
San Diego, CA 92114

Xarunta Macaamiisha ee Loogu Talagalay Waxbarashada Caafimaadka iyo U Doodista (CCHEA)

White Border Bottom

Health Icon

Sannadihii 1998-99, Degmada San Diego waxay go'aansatay inay dhisto xarunta caafimaad ee macmiilka. Degmada waxay u dooratay Bulshada Caawinta Sharciga inay noqoto goobta Xaruntan cusub. Iyada oo la adeegsanayo maalgelintan iyo lacagta kabka ah ee laga helay California Endowment (TCE), Xarunta Macaamiisha ee Loogu Talagalay Waxbarashada Caafimaadka iyo U Doodista (CCHEA), barnaamijka Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego, ayaa la assaasay. Xaruntu waxaa wali sii taageero Degmada iyo TCE waxayna sidoo kale iskaashi maalgelineed la leedahay Waaxda Daryeelka La Maareeyay ee California (California Department of Managed Care “DMHC”), Waaxda Adeegyada Daryeelka Caafimaadka ee California (California Department of Healthcare Services “DHCS”) iyo Goob-suuqeedka Caymiska Caafimaad ee cusub ee California (Covered California). CCHEA waxay shuraako la tahay HealthCare Alliance (HCA), oo ah isbahaysi ka kooban kow iyo toban barnaamij oo ah barnaamijyada caawinta sharciga ee California kuwaas oo siiya adeegyada helitaanka daryeelka caafimaad macaamiisha California. CCHEA waa isku-duwaha gobolka oo dhan ee dhammaan adeegyadan macaamiisha la siiyo.

Hadafkeena:

Wax barida, caawinta iyo awood siinta dadka San Diego si ay u noqdaan una ahaadaan caafimad-qab.

Warbixinta Sanadlaha ah ee CCHEA ee 2020/2021

(gujo-raacan wuxuu ku gayn karaa bog ku qoran Ingiriis)

Legal Aid in the News

Title Below Border

San Diego Proposed Tenant Protections
San Diego's proposed renter protections would slightly exceed current statewide law

By Richard Allyn, CBS 8, April 19, 2023

Read the full story

Someone San Diego Should Know: Greg Knoll post image
Someone San Diego Should Know: Greg Knoll

By Omar Passons. San Diego Union Tribune, November 27, 2020.

Read the full story

The Risks Of Energy Efficient Loans post image
The Risks Of Energy Efficient Loans

By Amita Sharma, KPBS Midday Edition, November 28, 2018

Read the full story

Access To Justice post image
Computer glitches and human error still causing insurance headaches for Californians

By By Bernard J. Wolfson, Kaiser Health News, June 2, 2022

Read the full story

Legal aid society footer logo

VISIT ONE OF OUR OFFICES
Southeast San Diego
Midtown San Diego
North County San Diego
Open M-F 9:00 am - 5:00 pm

CALL US
For legal help: 1-877-534-2524
For health related issues: 1-877-734-3258
TTY: 1-800-735-2929

FOLLOW US dashicons-facebook-alt #JusticeBeginsHere
Privacy Policy | Terms & Conditions | Web Accessibility | Site Map

© 2023 Legal Aid Society of San Diego. All rights reserved. Design by TinyFrog Technologies