Qaynuunka Asturnaanta
Bulshada Caawinta Sharciga ee San Diego (LASSD) waxaa ka go’an ilaalinta asturnaanta dadka soo booqanaya boggeena intarnetka, iyo sidoo kale macaamiisheena, shaqaalaheena, is-xilqaamayaasheena, deeq-bixiyeyaasheena, iyo la-hawlgalayaasheena.
Qaynuunka asturnaanta wuxuu qeexayaa macluumaadka aan ku uruurino boggeena intarnetka (www.LASSD.org) iyo sida loo isticmaalo iyo sida loo ilaaliyo.
Waxaalaga yaabaa inaan kaa dalbano macluumaad ama jawaab-celin innaga oo adeegsanayna foomamka onleenka ah, sahan ama qaabab kale si aan uga shaqayno deeqaha, aan kuugu rukunno wargayskeena, aan ku siino macluumaad, ama si aan si fiican ugu fahano danahaaga iyo baahiyahaaga.
Macluumad kasta oo gaar ah oo aad na siiso gebi ahaanba waa ikhtiyaari waxaana kaliya loo fasixi doona shaqaale gaar ah oo sharciyaysan.
Waxaan isticmaalnaa tignoolajiyada ilaalinta xogta ee SSL ee ugu dambeysay si aan u xaqiijino in marka aad ku soo biirto ama wax ku tabarucdo LASSD, macluumaadkaaga la sugo.
Ma iibinno ama ma kirayno macluumaadka macaamiisha ama deeq-bixiyaha xaalad kastaba ha ahaatee.
Ma wadaagi doono ama ma shaacin doono wax macluumaad shakhsiyadeed ah oo lagu uruuriyay boggeena intarnetka iyada oo aan oggolaansho hore la helin marka laga reebo sida uu sharcigu qasbay. Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto qaynuunkan asturnaanta ama aad rabto inaan saxno ama tirtirno xogtaada khaaska ah, fadlan nala soo xiriir.
Beenin
LASSD waxay kaalmo sharci siisaa shaqsiyaadka dakhligoodu hooseeyo ee buuxiya tilmaamaha xaq u yeelashada iyo aqbalaada kiiska.
Ma dammaanad qaadi karno matalaadda. Boggan intarnetka waxa ku jira agabyo loogu talagalay ujeeddooyinka macluumaad guud oo keliya, kama koobna talo sharci, umana lahan dammaanad qaad inay dhammaystiran yihiin ama la kuwi ugu danbeeyay yihiin. Waa inaadan ku dhaqaaqin ama ku tiirsanaanin macluumaad kasta oo laga heli karo boggan intarnetka (ama mid ka mid ah) adiga oo aan raadsanin talo qareen. Shaqaalaynta sharci yaqaan waa go’aan muhiim ah oo aysan ahayn in lagu saleeyo kaliya hal il oo macluumaad ah.
Inaad eegto boggan intarnetka, ama inaad nagula soo xiriirto boggan inatrnetka, ma abuurayso xidhiidh qareen iyo macmiil oo u dhaxeeya adiga iyo LASSD. Inaad iimayl u dirto qareenka lagu sheegay boggan ma abuurayso xidhiidh qareen iyo macmiil oo u dhaxeeya adiga iyo qareenka. Marka laga reebo inaad horay macmiil ugu ahayd qareenka, iimaylkaagu waxaa laga yaabaa in aanan lagu ilaalin mudnaanta gaarka ah ee qareenka iyo macmiilka ka dhaxeysa. Intaa waxaa dheer, marka laga reebo in la lambaro lagu qariyay, iimaylka waxaa dhexda ka qabsan kara dad aan ahayn qofka loo diray.
Boggan intarnetka waxaa ku jiro gujo-raacyo ku gaynaya boggag kale oo intarnet kuwaas oo qaynuunkooda asturnaanta uu ka duwan yihiin kuweena. LASSD mas’uul kama ahan waxa ku jira ama qaynuunka asturnaanta ee bog kasta oo intarnet oo ku xidhan kan. Intaas waxaa dheer, ku darida gujo-raac kasta tilmaam uma ahan taageerada ama ku biiritaanka ururkaas.